Wednesday, May 17, 2017

MA OGTAHAY AKHRISTOOW

1-In Nabi Maxamed(C.S.W) noolashiisa oo dhan uu hal mar sooxajiyay

.2-In Saxaabiga Cusmaan Bin Cafaan (R.C.) uu ahaa Ruxiiugu horeeyay ee xafida qur”aanka kariimka ah marka laga reebo Nabiyulaahi Maxamed(C.S.W)

3-In magaalada barakeysan ee Madiina al-munawarah uu ahaa magacii hore ee loo aqoon jiray Yathrib

4-In internetka loo yaqaanay magaca ah: ARPANET oo macnaheedu yahay (Advanced Research Project Agency network) halka hadda loo yaqaano internet.

5-In wadanka Jamaica ama jamayka uu leeyahay 120 wabi.

6-In magacyada qaaradaha aduunka ay ku wada dhamaadan xarafka ay ka bilowdaan

.7-In markabkii jaceylka Titanic lagu sameeyay Belfasta.

8-In geelu uusan ku dhalan kuruska.

9-In gaarigacankii ugu horeeyay caalamka lagu sameeyay China.

10-In kaneecada mideeda dhadig oo qura ay wax qaniinto.

11-In Sucuudi Carabiya aysan laheyn wax wabiyo ah.

12-In quraanshadu aysan hurdin innaba

.13-In typeka la Hindisay 1829.

14-In Iceland ay tahay wadankii ugu horeeyay ee sharci ka dhiga ilma iska ridista 1935.

15-IN Cilmi baaris ay dhawaan si wadajir ah u sameeyeen khubaro ka kala socota Jaamacadda University of L’Aquila ee ku taala dalka Talyaaniga oo kaashanaya xeel dheerayaal ka socda machadka lagu magacaabo Lipton Institute of Tea, ayaa daboolka ka qaaday cabitaanka koob Shaaha oo Rinji ah oo aad maalin walba cabtaa in uu ka hortagayo khatarta qaaditaanka cudurada halista ah ee ay ka midka yihiin Wadne xanuunka iyo Macaanka.

16-in Qur’aanka Kariimka lagu sheegay Lafdiga “Al-Dunyaa” 115-jeer, mase Ogtahay in Qur’aanka Kariimka in lagu xusay “Al -aakhirah” 115-jeer

.17-In Masaajidkii ugu horreyay ee Islaamka uu yeesho inuu ahaa Masjidka Qubaa mase Ogtahay Sheygii ugu horreyay ee uu Allah abuuray in ay ahayd SAMADA.

18-In Madaxweynihii ugu horreyay ee Soomaaliya inuu ahaa Allaah ha u naxariistee Aadan Cabdulle Cismaan Daar (Aadan Cadde) Waxana uu madaxweyne noqday 1960-kii, mase Ogtahay in uu noolaa Aadan Cadde intii u dhexeysay 1908-dii ilaa June 8-deedii 2007-dii. WuxuunaMadaxweyne Aadan Cadde noqday madaxweynihii ugu horreyay ee Afrikaan ah oo si dimuqraadi ah oo doorasho ah uga tagay xafiiska madaxtinimada iyadoo guud ahaan wadamada Afrika looga bartay xiligaas afgambi dhiig ay ku daataan

.19-In Qofkii ugu horreeyay ee qalin wax ku qoray inuu ahaa Nabi Idriis NNKH.

20-In ay jiraan Afart ayna Hooyo dhalin (aan uur galin) , waxay kala yihiin :- 1- Nebi Aadam csw 2- Xawaa (xaawo)3- Wankii uu gowracay Nebi Ismaaciil csw iyo 4- Hashii Nebi Saalax csw (taas oo laga soo dhexsaaray dhagaxa)

21-in dawladda carbeet ee uu maro dhulbaraha aduunka inay tahay soomaaliya.

22-IN Sir Isac Newton uu yahay Saynis-yahAnkii daahfuray cufisjiidadka dhulka(Gravity), Xisaabta kalkulaska (Calculas), iyo waliba saddex xeer oo khuseeya socodka walxaha, xeerarkaas oo loo bixiyay xeerarka socodka walxaha ee Newton.

23-In Xarfaha luqadeena Soomaaliga lagu soo koobo weedha ah “SHIIKHEENA, WIILKIISA CURAD, GABADHUU QABI JIREY, FOOX LA'AAN MA HEESI KARTO”. Weedhaas kooban sida aan maqlay waxa sameeyay Alle Ha u naxariistee Abwaan Cabdillaahi Suldaan Timacadde

.24- in dalka Gabon uu noqday dalka ugu keymaha badan Afrika, iyadoo baaxada dhulka ay keymahaasi ku fadhiyaan ay noqonayso 84.4 %, halka dalka Djibouti uu ka naqonayo dalka ugu yar, keymaha ku yaalaana ay bedka dalkaa ka noqonayaan 0.2 %.

25- in xayawaanka keliya ee afarta jilib leh uu yahay maroodiga

.26-in sannadku ka kooban yahay 31,557,600 daqiiqadood

27-Qaybta keliya jidhka ee aan dhiigga gaarayn aytahay qaybta isha ee la yiraahdo Cornea, waxayna Oxygen si toos ah uga qaadataa hawada.

28-in waddanka Itoobiya la oran jiray waagii hore Abessinia, hayeeshee horaantii dagaalkii labaad ee dunida ay la baxday magaca Itoobiya,mase ogtahay in waddanka Itoobiya ay ku nool yihiin in ku dhow 50% dad muslim ah, in ku dhowna 15% ay diin laawe yihiin ama yihiin dad aaminsan dabeecadda halka 35% ay yihiin dadChristian ah, haseyeeshe diinta officialka waa diinta Christian, afka la isku afgartana ama iskuulada lagu bartana ay tahay afka amxaarada

.29-inmarkii ugu dhoweyd ee ay Soomaaliya soo ceshan lahayd dhulkeeda Somali Galbeed ee ay dawladda Itoobiya ka haysto ay ahayd dagaalkii 1977, dagaalkaas oo ahaa midkii ugu qaraaraa isla markaana Itoobiya lagabaabi’iyo ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah , nasiib xumo dowladdii Itoobiya ayaa u qaylo dhaansatay dowladihii ay ka mid ahaayeen Cuba, Ruushka, Bariga Yurub iyo waddanka Liibiya halkaasna dhib aad u ballaaran lagu soo gaarsiiyay halyeyadii Soomaaliyeed, magaalooyinkii ay ka soo dhacsadeen cadowgana halyeeyadii Soomaaliyeed nasiib xumase dib u la noqdeen cadowgii Itoobiya, magaalooyinkii ay cadowga ka soo dhacsadeena waxaa ka mid ahaa: Jigjiga, Harar, Dhagaxbuur, Shilaabo,Goday, Qabridahare,Galaadi,Gaashaamo,Qorraxay, Awaare,Qallaafo, iyo tuulooyin aad u fara badan, Mase ogtahay in gumeystaha Itoobiya uu u bixiyay dhulka Soomaali Galbeed Ogaadeenya isgoo ulajeeday siyaasad ama khiyaano si uu isugu diro qabiilada Soomaaliyeed ee meelahaas wadadeggan oo uu dhulkii la wada lahaa ugu nisbeeyo ama ugu magacdarro hal qabiil si ay qabiilada kale ula dagaalanto qabiilkaas

.30-in dhulka Soomaaliyeed ee ay dawladda Kenya haysato ay ku nool yihiin in ka badan 5 milyan oo Soomaali ah, halka dad gaaraya ilaa 20 milyan ay ku noolyihiin dhulka ay Itoobiya Soomaaliya ka haysato, dhulka ay Soomaaliya ka haysato Kenya ayaa wuxuu gaaraya 127 km oo isku wareeg ah una dhigma inta ay Itoobiya Soomaaliya ka haysto nuskiis ama barkiis, Soomaalida ku nool dhulka uu gumeysto Kenya ayaa waxay u badan yihiin xoolo dhaqato,caanaha iyo hilibka ugu badan waddanka Kenya soo saaraan.

31-in ugu yaraan 80% jirka qofku inuu yahay biyo

32-in Salaadii Ugu horeysay ee Nebigu(SCW) uu tukado ay ahayd salaadda fuhur.

33-in qofka ugu horeeya ee Maalinta qiyaamaha soo baxaaya uu yahay nabi muxammded (c.s.w).

34-In ninkii soo saaray hotmail-ka uu ahaa nin hidiya oo lagu magacaabo :subeeyr bahaatiya.

35-In dhiigga D.N.A-da(Deocxy Nucleo Acid) ay soo saareen :James wattson iyo Francis Crick,sanadka markuu ahaa 1953.

36-In xididka dhiigga wadnaha kusoo celiyo looyaqaano(veins).

37-In boqortooyadii nabuyulaahi sulaymaan ay dhisneed40sano.

38-In madxafka ugu weyn dunida uu kuyaalo Masar ama(egypt) gaar ahaan magaalada alexsandaria.

39-In ninkii kusoo daray xisaabta jajab tobanlaha uu ahaa: jamshiid binu mascuud

.40-In shaqada uu qabto maqaarka bani aadamka ay tahay in dhididka uu usoo saaro banaanka.

41-In maskaxda bani aadamka ay kaa koobanthay 80% biyo halka inta soo hartana ay yihiin walxo midabkooda bunni yahay.

42- In Alle Subxaanahu wa-tacaalaa soo dejiyey (4) Diimood : Sabuur,Furqaan,Injiil, Towraat.

43- In Macdantu (Mineral) Ka Kooban Tahay (4) nooc: Biyo, Dabka, dhulka hawada.

44-in cayayaanka ama xasharaatka ay leeyihiin (4) Baal marka laga reebo tixsiga 

.45-In Dhiigga bani aadamka uu u qaysamo (4) Nooc:A,B,O,AB.

46-In waddanka Indonesia uu ka kooban yahay in ka badan13000(Saddex iyo toban kun), oo jasiiradood, isla markaana uu yahay wadanka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan ee dal qura ku wada nool, xorniimadiisana uu ka qaatay wadana Holland 1947.

47- In wadankii ugu horeeyay ee Afrikada madaw ahaa, ee xornimadiisa qaatay uu ahaa Wadankii loo yaqaanay “Gold Coast”, ama “xeebtii dahabka”, haddana loo yaqaano Ghana(gaana), kaas oo madaxbanaanidiisa helay 1957, waxa madaxweyne ka noqday Kwame Nakruma .

48-In socdaalkii ugu dheeraa ee Nabi galo in uu galay Nabi Muxammad (Sallalaahu Calayhi Wasallam), waxa uu Nabiga habeen qura ka socdaalay Maka waxa uuna tagay Qudus, halkaas oo uga sii gudbay Samada tododbaad, waana habeenkii Ilaahay ummadda islaamka ah ku waajibiyay salaadaha shanta ah.

49-In Masjidka barakaysan ee xaramka uu yahay masaajidkii ugu horeeyay ee laga dhiso dhulka korkiisa, masjidkan waxa dhisay labadii Nabi ee is dhalay waa Nabi Ibraahin iyo Nabi Ismaaciil Calayhima Salaam, Masaajidkii labaad ee la dhisana uu ahaa Masjidka Qudus oo uu dhisay nabi Yacquub Calayhi Salaam.

50-In suuradda Quraanka ka mid ah ee uu aayadadaheeda dhan uu ku jiro magaca Ilaahay ee “Allah”, ay tahay “suuratul Mujaadalah”, ama Suuradda aan unaqaano “Qadsamicallaahu”.
51- in magaca halaha marka aynan dhalin la yiraahdo magaca “Abeer”.


52-In sahmiyihii Christopher Colombos uu ahaa , ninkii daahfuray qaaradda Ameerika sanadkii 1492, isaga oo ugu horayn helay Jasiiradaha Bahama Islands, una bixiyay Sansalvadore , taariikhdii ka horeysay 1492, caalamka wax xiriir ah lama lahayn Ameerika.

53-In seddex ( 3) Magaalo oo ku kala yaala Africa, Asia, America oo haddii la-micneeyo ayIsku Micno yihiin?

53- Waxay kala yihiin. New York, Addis Ababa, iyo New Delhi. Micnahooduna waa ubixii cusbaa.

54-In xadka ugu dheer aduunka ee kala xadeeyo labo dawlad uu yahay xadka(soohdinta)udhexeeya canada iyo maraykanka.

55-In xayawaanka gariga loo yaqaan uu dhalo asagoo socda.

56-In dagaalkii ugu horeeyay uu rasuulka (s.c.w) galo uuahaa badar misna uu watay tiro ciidan oo dhan 313.56-In magaalada boosaaso loo aqoon jiray magaca ah bandar qaasim.

57-In Xeebta dalkeena soomaaliya ay gaarayso dherar ahaan 3333km.

58-In buurta afrika ugu dheer ay tahay buurta kalaminjaara.

59-In buurta ugu dheer afrika ee kalaminjaara ay ku taalo xadka udhexeeya kenya iyo tanzaaniya

.60-In wadankii ugu horeeyay ee diyaarad lagu weeraro uu ahaa soomaaliya waagii sayidka ay ingiriisku duqeyn diyaaradeed ka geysteen gobalada waqooyi.

60-In gobalka ugu weyn soomaaliya uu yahay Gobalka Bari ee caasimadiisu tahay boosaaso

61-In indhahaagu aysan korayn ama waynaanayn laga bilaabo waqtigaa dhalatay ilaa inta aad jirto hadda.

62-In marka aad basasha jarjarayso aadan ilmaynnayn haddii aad calaajisid xanjo ama aad calaashato inta aad basasha jarjarayso.

63-In maroodiga uu yahay xayawaanka kaliya ee aan boodin .

64-In cuntada kaliya ee aan halaabayn ama isbadalayn hadii ay taalo muddo badan ay tahay malabka.

65-In aad ku bogsanayso hadii aad cunto malab marka ay calooshu ku xanuunto66-In yaxaasku uusan carabkiisa usoo bixinkarin banaanka.

67-In midabka nabiyullaahi muxammed uu jeclaaa uu ahaa midabka cagaaran(greenka).

68-In saddax jeer hadii aad aqriso suuratul ikhlaas (qulhuwallahu axad) in aad lamid tahay adigoo quraankadhan aqriyay.

69- in dalka Mexico nasiib u yeeshay inuu noqdo dalkii ugu horeeyey ee 2 jeer marti geliya tartanka koobka aduunka (1970 & 1986) oo ay ku kala guuleysteen dalalka Brazil & Argentina iyadoo finaalihii labadaas tartanba lagu dheelay garoonka weyn ee Aztec Stadium,mise ogtahay akhristoow in koobkii aduunka ee 1986kii loo qorsheeyey in lagu qabto dalka Colompia hase yeeshee ay markii dambe FIFA u sheegeen ineysan martigelin karin oo aysan dhaqaale u heyn tartankaas weyn sidaasna ay Mexico fursad ugu heshay marti gelinta tartankaas.


70- in xulka Brazil yahay qaranka keliya ee kawada qeyb galay dhamaan koobabkii aduun ee la qabtey tan iyo markii la bilaabay, mise ogtahay in qaranka Brazil yahay kan ugu hanashada badan koobka aduunka iyagoo ku guuleysty 5 jeer, mise ogtahay in dalka Brazil oo ka mid ah dalalka qaadey koobka aduunka yahay dalka keliya eeaan koobka ku qaadin dalkooda iyadoo finaalihii koobka aduunka ee 1950kii lagu qabtey dalkooda ay Uruguay kaga adkaatey 1-2 .

5 comments:

  1. Masha allh jazzakallh khayr wll
    Alle hakaa abaaliyo cilmigaas dhamwalba taabanayaad noosoo koobtay

    ReplyDelete
  2. Waan ka helay wll lismana xaqiro waxaana kaaa faa iday wax wngsan keep going noona soo badi🥰🥰

    ReplyDelete